Qarax Khasaaro Geystay Oo ka Dhacay Muqdisho

Warar hadda inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhacay degmada Hodan.

Dhawaaqa qaraxa ayaa ahaa mid si aad ah looga maqlay degmoooyinka ku xeeran, waxaana kaddib qaraxa raacay rasaas xooggan oo u eg kuwa hal dhinac ka imaaneysa.

Gadiidka gurmadka deg degga ah ee Ambalasta ayaa la maqlayaa oo daabbuleysa dhaawacyada iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Si kastaba ha ahaatee wixii warar ah oo kusoo kordha dib nagala soco.