Waxa aan doonayaa sidoo kale in aan ammaan iyo duco u mariyo nabigii loo doortay in uu soo abyo risaaladii wareegtada ahayd, ee Muxamed nabad gelyo iyo naxariis aan lasoo koobi karin dushiisa ha ahaatee.
Waa faallo nooceeda igu cusub, waxa aan kaga hadli doonaa magacyada Nabiyada iyo Luuqadda Ingiriiska iyo sida ay ku noqonayaan; dhab ahaantii ma ahi qofka mudan in uu qoro qoraal noocan oo kale, sidoo kale xaq u lahaa in uu ku dhiirrado maqaal sidan oo kale ah, maadaama ay yihiin kuwa doodo dhallin kara; hasa yeeshee anigoo og aqoonyarideyda ayaan qalinka u qaatay qoraalkan, saddex sababood awgeed.
1:- Midda koobaad, yaraanteydii xaafaddii aan dagnaa ee aan kusoo barbaaray waxaa la iga oran jira magac-naaneyseedka “Cabdi John” kaas oo mar dambe isku baddalay “Cabdi Jones” iyadoo la igu saminayay xiddiggii Manchester United ee Phil Jones, oo aan taageero u ahaa xilligaas.
Markii ay dhacday in magac-naaneyseedkeyga uu ku seeto wareegay “John Iyo Jones” ayaan go’aansaday in aan ogaado micnaha dhabta ah ee labada magac ay ku fadhiyaan, balse markii aan u kacay baaritaanka waxaa ii soo baxay, wax caqligeyga marnaba aanu ku fakarin oo ahayd in magacyada la i hubiyay ee “John iyo Jones” labaduba ay yihiin magacyo nabi; dhab ahaantii sida aad haddaba ula yaabtay ayaan xilligaas ula yaab iyo amakaag dhabannada qabsaday, hasa yeeshee ugu dambeyn waxaan ku guuleystay in aan aqbalo middaas, waana sabab kamid ah sababaha aan maqaalkan u qoray.
2:- Midda labaad; aqoonta Soomaalida ee dhankaas oo aad u liidata ayaan ku qasbanaaday in aan soo uruurriyo qoraallada iyo waxyaabaha kale ee mawduucan quseeya, halka midda saddexaadna ay tahay dadka intooda badan ka aaminsan magacyada qaar in ay yihiin magacyo gaaleed iyo mid aan u mudneyn in uu qof Muslim ah baxsado ama loo bixiyo, haa. ma qabo in qofka uu baxsado magac uusan aqoon u lahayn, hasa yeeshee si lamid ah middaas wuxuusan xaq u lahayn in uu aflagaadeeyo ama ceebeeyo magac ama wax uusan cilmi u lahayn.
Haddaba qoraalkan uma qorin in aan banneeyo in la baxsado magacyada John, Jones, Jesus iyo kuwa lamidka ah, keliya waxa aan ugu talagalay in wacyiga bulshada ee ku aaddan dhankaas ugu yaraan uu wax ku darsamo, maadaama cilmi ahaanna ay sugan tahay middan.
Nebi kasta waxa aan ka soo qaadaneynaa magaciisa oo af Carabi ah, Luuqadda English-ka sida uu ku noqonayo, micno ahaan wuxuu u taagan yahay, asalka halka laga soo miinguuriyay, iyo waxyaabo lamid ah oo quseeya mawduuca.
Haddaba ka bogasho wacan, qaybta koobaad iyo todobaadkan
1:- آدم= Adam:- Aadan
2:-نوح= Noah, Nuux
3:-إدريس= Enoch, Idriis;
4:-هود= Heber, Huud,
يا أبا ذر” ‘Abuu Darroow waxaa jira afar nebi oo Carab ah, Huud (Caabbir, Heber) Saalix, Shuceyb iyo Nebigaaga (Muxamed), sidaa darteeda Abtiriskiisu waa Huud Binu Shaalix Binu Arfaqshad Binu Saam Binu Nuux Cs, inkabadan 464 oo sano ayuu noolaa, wuxuuna ku duugan yahay Bariga Xadramuut Yemen.
5:- صالح= Methuselah= Saalax
6:- لوط= Lot Luudh,
7:-إبراهيم= Abraham, Ibraahiim,
Wuxuu ku dhashay magaalada Uor ee wuqooyiga dalka Ciraaq,1263 oo dabshid kaddib duufaantii Nebi Nuux Cs, wuxuu noolaa 200-sanno, isagoona safarro kala duwan ku tegay qaybo badan oo caalamka kamid ah.