Alshabaab Oo Weerar Aan Loo Kala Harin Ku Qaaday Degmada Golwayn Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Warar aan ka heleyno deegaanka Golwayn ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan oo kamid ah Alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka dawladda ay ku leeyihiin degmadaas.

Dhawr jiho weerar ka yimid ayeey Alshabaab ku sheegeen warbaahinta afkooda ku hadasha in ay ku qabsadeen deegaankaas, hasa yeeshee saraakiil kamid ah ciidanka dawladda ayaa beeniyay hadalkaas, waxaana ay xaqiijiyeen in weli ay ku sugan yihiin degmada Golwayn ciidamo daacad u ah dawladda Soomaaliya.

Alshabaab ayaa hawl gallo waali ah kawada dhanka Shabeellaha Hoose, waxaana ay habeen kasta weerar kusoo qaadaan mid kamid ah degmooyinka gobolkaas.

Golwayn waa degmo istaraatiiji u ah ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM ee kusugan magaalada Marko, maadaama ay halkaas tahay marin ay u marto sahayda iyo gurmadka.