Al-Qaeda oo ka hadashay dilka Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab

Ururka Al-Qaeda ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilkii dhawaan loo geysatay wakiilkii Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaanay Cali Jabal.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Qaeda ayaa lagu sheegay in ay xaqiijinaayaan dilka Cali Jabal oo ka mid ahaa Madaxda Al-Shabaab.

” Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed ku dilay Cali Maxamed Xuseen , waxaana xaqiinaynaa dilka Cali Jabal” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Hadalka kasoo baxay Al-Qaeda ayaa kasoo beegamaya Xilli Al-Shabaab ay xaqiijiyeen dilka Cali Maxamed Xuseen oo Al-Shabaab wakiil uga ahaa gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Caddaan ah  ayaa Bishii lasoo dhaafay Cali Jabal ku dilay gobolka Shabeelaha Hoose ka dib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen halkaasi.