Wiil Afar Sanno Jir Ah Oo Sabab Aan La Garan Ugu Geeriyooday Baraakad Uu Ku Dabaalanayay (Sheeko Naxdin Badan)

Warar ay baahiyeen Jimcihii warbaahinta Sucuudiga waxa ay sheegayeen in wiil afar sano jir ah uu ku geeriyooday Baraakad uu ku dabaalanayay, oo ku taallay halka loo tamashleyn tago ee Kumarakom.

Mid kamid ah saraakiisha Booliska ayaa u sheegay IANS in maydka wiilka yar uu yaallo Kottayam Hospital, si baaritaan dheer loogu sameeyo waxa saxda ah ee uu u geeriyooday wiilkaas yar.

Falka ayaa dhacay fiidnimadii Khamiista ahayd, sababta dhabta ah weli baaritaan ayaa kusocda,” ayuu kusoo gaabsaday sarkaalka booliska ah ee u waramay IANS hillinka la yiraahdo.

Baraakta lagu dabaasho ee carruurta loogu talagalay ayuu ku dabaalanayay, waana wax dhif ah in uu qof ku dhinto maadaama aysan ahayn biyaha mid socda, baddalkana aad ula eg qofka ku jira.

Aabbaha dhallay wiilkan oo ahaa qofka la socday, ayaa isna aaday dhanka Baraakadda dadka waa wayn si uu ugu soo tamashleeyo, balse wuxuu soo noqday wiilkiisa oo Mayd ah lana kor taagan yahay.

“Dhabtii ma garan karno waxa saxda ah ee uu u dhintay, balse waxaa jira koronto badan oo ku hareereysan goobta dabaasha, waa macquul in middaas ay sababtay dhimashadiisa,” ayuu isna saxaafadda u sheegay aabbaha dhalay wiilka Afar sano jirka ah.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka loogu hadal heynta badan yahay dalka Sucuudiga 48-dii saac ee lasoo dhaafay, sidoo kale waxaa wal wal uu soo foodsaaray qaar kamid ah waaliddiinta ubadkooda geyn jiray baraakadaha lagu dabaasho, mar haddii si layaab leh uu ugu geeriyooday wiilkan afar sano jirka ah.