Warbixin:- Mushaarradka Ay Qaataan Wasiirrada iyo Xildhibaannada Dhammaan Maamullada Dalka Ka Jira

Waa iska caadi in mas’uulka ay soo gasho lacag ka badan mushaarkiisa, hasa yeeshee, waxaa uu leeyahay lacago gunno iyo mushaar ah oo dawladda ay ugu talagashay.

Wakiil waa mareeg Soomaaliyeed oo madax banan, waxaana ay soo gudbisaa waxyaabaha xaqiiqooyinka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya, haddaba maanta waxa aan idin wadnaa warbixin dheer oo kusaabsan arrimaha mushaaraadka ay qaataan waaxda sharci dejinta SOomaaliya, iyo wasiirrada maamullada.

Inkabadan 27 Milyan oo dollar ka Amerikaan ka ah ayaa mushaar ahaan Soomaalida kaga baxda Sannad kasta, taas oo lamid ah in bil kasta la qarash gareeyo lacag dhan 2.3 Milyan oo Dollar.

Waxa aan u kala qaadi doonaa min maamul ilaa heer federaal, waxaana kujiri doonta maamulka Sooomaaaliland ee Wuqooyiga Soomaaliya.

Soomaaliland:-TiradaSharci dejiyayaasha (Xildhibaannada) waa 164, waxaana ku baxda lacag ka badan 328,000 $, halka wasiirradana ay yihiin 65 wasiir, waxaana ku baxda lacag ku dhaw $162,500.

U garo  in midabka Buluugga ah uu u taagan yahay xildhibaannada iyo lacaga ay qaataan adoo ku jaangoynaya maamullada dalka ka jira, halka Casaanka uu isna u taagan yahay wasiirrada, iyo wasiir dawlayaasha lagu daray kuxigeennadooda.

Haddaba shaxda inteeda kale ka akhriso hoos, adigoo dabaqaya sida aan kor ugu soo sharaxnay