Waddani Mise Calooshiis La Ciyaar:- Waa Kuma Amiin Arts?

Farshaxanistaha caanka ah ee Amiin Caamir waa mid kamid ah dadka ugu caansan Soomaalida dhanka sawirrada, sidoo kale waa xeel dheere dhanka hinddisidda, balse habkiisa wanaagsan ee uu wax u allifo ilaaa xad dad badan ayaa dhaliilsan oo aan ku qanacsanyn, maadaama uu yahay qof “Laxag kushubo” ah.

Dhabtii waxa aan filayaa in aadan si deg deg ah u fahmin ujeedka hadalkeyga, hasa yeeshee waxa aan si fudud kugu sheegayaa in Amiin Caamir oo ay dad badan u yaqaanaan Amiin Arts uu yahay qof calooshiis la ciyaar keliya u cammira qofkii lacag siiyo, ama iska laaluusha.

Tusaalle ahaan Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diiday in qof sidiisa oo kale oo laaluush qaate ah uu lacag siiyo, baddalka markii uu dareemay Amiin wuxuu ka bixi waayay in uu soo aflagaaddeeyo madaxdii qaranka, uuna dadka ku diro.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxaa xigay in Dawladda Farmaajo ay dalka la wareegto, iyagoo ka faa’iideysanaya khibraddii ay ka heysteen Amiin Arts oo ahayd in u keliya lacag ku shaqeeyo, waxa ay go’aansadeen in ay iibsadaan oo bil kasta laga mushaar ah meel loo saaro, baddalkana uu soo dhigo waxyaabaha muhiimka ah ee ay dawladda qabato.

Haddii uu yahay muwaaddin ama waddani waxa ay ahayd in uu si isku mid ah diirradda u saaro dhanka togan ee dawladda iyo kan taban ba, balse Soomaalida horey ayeey ugu maah maahday “Af Wax qaatay xisho”, sidaa darteeda Amiin Arts waa mid kamid ah bohalladii fadeexadaha ee uu ku dhacay intii uu xirfaddiisa kujiray.