Waa Tee Shirkadda Ka Dambeysay Weerarkii Bariirre? (Xog Xasaasi Ah)

Shirkadda caanka ah ee Bancroft ee dalka Mareykan ka islamarkaana ka hawl gasha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahayd duqeyntii kadhacday degmada Bariirre ee gobolka Shabeellah Hoose.

Shirkaddan oo dhanka amaanka ka shaqeysa ayaa dhankeeda dhinac iskaga ridday wararkaas oo waxa ay soo saareen war murtiyadeed ka dhan ah arrimahaas la xiriira in iyaga ay geysteen falkaas dadka shacabka ah lagu xasuuqay.

War saxaafadeed kasoo baxay Bancrof xafiiskeeda Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Shabeellaha Hoose islamarkaana ay ka tacsiyadeynayaa, hasa yeeshee iyaga aysan wax lug ah ku lahayn falkii halkaas ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee shirkaddan ayaa dhawr jeer oo horey loogu eedeeyay in ay duqeymo noocan oo kale ay ka geysteen gudaha SOomaaliya, islamarkaana ay ku dhinteen dad shacab ah.