Sawirro: Maxkamad Ku Taal Gaalkacyo Oo Xukuno Xabsi Ah Ku Riday Sideed Ruux ?

Maxkamadda degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxa ay Xukuno kala duwan ku riday Rag eedeysanayaal ah oo ay dhawaan Gacanta ku soo dhigeen Ciidamada amaanka ee Galmudug.

Ragga la Xukumay ayaa ahaa 8 ruux oo 4 ka mid ah Maxkamadu sheegtay in lagu soo qabtay Isbaaro u tiilay inta u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Galinsoor, halka 4 kalana waxyaabaha Maanka Dooriya ay ku iibanayeen Magaalada Gaalkacyo sida ay sheegtay Maxkamadu.

Waxaana Maxkamadu ay ku Xukuntay 4 Nin ee lagu soo eedeeyay Isbaarada mid 2 Sano, halka 4 kale ee waxyaabaha Maanka Dooriya lagu qabtay midkood ay ku Xukuntay 2 Sano iyadoo 3 kalana ay ku Xukuntay mid 1 Sano iyo 6 Bilood sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Salaad Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gaalkacyo.

Isagoo sheegay in Maxkamadu ay sii wadi doonto dadaaladeeda ku aadan in ay Xukuno ku fuliso dadka danbiyada gala ee ku sugan Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.

Mahaan hoose ka fiirso Sawirrada: