RASMI:- Dawladda Mareykan-ka Oo Qirtay In Ay Dad Shacab Ah Ku Xasuuqday Gobolka Shabeellaha Hoose (Warqad+Caddeymo Muhiim Ah)

Xarunta Militeriga Mareykan ka ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyay in dad shacab ah lagu laayay gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Bariirre.

warqad kasoo baxday hawl galka Mareykan ka ee qaaradda Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer ay ku wadaan dadkii ku waxyeeloobay dhacdadaas ka dhacda Bariirre.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warqaddaas in laga raali gelinayo dhammaan dadkii shacabka ahaa ee falkaas ku waxyeeloobay.

Warkan ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka Gaashaandhigga Soomali uu si rasmi ah u xaqiijiyay in ay ahaayeen dadkii la laayay dad ka tirsan Alshabaab oo diiday in ay isa soo dhiibaan.

Haddaba Linkiga Hoose Guji/ Riix si aad u tagto Website-ka rasmiga ah ee Hawl galka Mareykan-ka ee Qaaradda Afrika.

https://www.africom.mil/media-room/pressrelease/29846/civilian-casualty-allegations-in-somalia