Masjidka Madaxtooyada Ma Wuxuu Isku Baddalay Xarunta NISA; Agaasime Ka Tirsan Madaxtooyada Oo Xabsi Ku Muteystay Hadal uu Ka Jeediyay Masaajidka Villa Somalia

Agaasimihii madaxtooyada  dhanka hawlaha guud C/raxiin Ibraahim Muudeey oo todobaadkan xilkiisa agaasimanimo laga qaaday ayaa ka istaagay masjidka ugu wayn madaxtooyada, waxaana uu sheegtay cabasho iyo caddaalad darrada kasocota aqalka dalka looga arramiyo.

Ra’iisul wasaaraha, guddoonka Baarlamaanka, Taliyaha nabad sugidda, iyo xildhibaanno katirsan labada aqal ayaa kujiray masjidka, xilliga uu makaroofanka qabsanayay Muudeey oo aad u murugeysnaa.

Taliyaha nabad sugidda Sanbalooshe ayaa isku dayay in uu si qasab ah ku aamusiyo C/raxiin, balse qaar kamid ah xildhibaannadii goobta kusugnaa ayaa ka diiday, oo ku sheegay in uusan xurriyatul qawlkiisa aysan hor istaagin.

Wixii intaas kadambeeyay C/raxiin Ibraahim Muudeey wuxuu ku dheeraaday caddaalad darrada lagu sameeyay isagoona ka codsaday madaxda goobta joogtay in ay wax ka qabtaan cabashadiisa.

Markii salaadda Jimce laga soo baxay, ilaallada taliyaha nabad sugidda qaranka Sanbalooshe ayaa xabsiga u taxaabay Muudeey oo dhawr saacadood xabsiga kujiray; ugu dambeyn waan waan iyo wada hadal dheer kaddib waxaa lagu heshiiyay in xabsiga laga soo bixiyo.

Tan iyo markii la doortay Fahad Yaasiin agaasimaha madaxtooyada waxaa soo badanayay cabasha iyo dhibaatada lagu hayo mas’uuliyiintii xilkaas isaga kaga horeeyay kuna sugnaa madaxtooyada Villa SOomaalia.