Madaxweynahii Hore Hir-shabeele oo diyaar u ah inuu dhiig daato, diyaarsadayna Ciidan?

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa diyaarsanaya sida la sheegay ciidamo aad u badan, kuwaasi oo uu doonayo inuu adeegsado, marka shaqsi kale lasoo doorto.

Ciidamo badan ayaa hadda deegaanno kamid ah Hiiraan lagu diyaariyey, waxaana ciidankaan qarash ku bixinaya sida naloo sheegay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xaaladda meel aad u adag ayeey mareysaa, Cosoblana wuxuu diyaar u yahay inuu dhiig daadiyo intii uu nabad ku dhiibi lahaa xilkaasi.

Dhanka kale odoyaal ku hayb ah Cosoble waxay dhallinyarada uga digayaan iney dagaallamaan oo ay raacaan Cosoble.