Ma Dhabbaa In Wiil Soomaali Ah Uu Geystay Weerarkii Belgium-ka Ka Dhacay

Ciidanka amaanka dalka Belgium ka ayaa toogtay nin hubeysan oo Toorey ku dilay laba askari oo kamid ahaa ciidanka Booliska ee magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka.

Ninka la toogtay ayaa ku dhawaaqayay “Allahu Akbar” waxaana la ogaaday sida uu sheegayo xeer illaaliyaha guud in uu yahay 30-sano jir, asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Ninka la toogtay kahor falka wuxuu gurigiisa kasoo qaatay tooreey isagoona durba ku bilaabay laba kamid ah askartii ka ag dhawayd, kaddib ciidan Booliis oo gurmad ah ayaa goobta soo gaaray, kaddibna waa ay toogteen.

Baaritaan xooggan ayeey wadaan ciidanka Booliska magaalada Brussels ee caasimadda Belgium-ka, si loo helo xogta naftii hurahaas la toogtay.

Wal wal iyo cabsi xooggan ayaa soo gashay Soomaalida Belgium-ka ku nool kaddib weerarkaas uu geystay nin la aaminsan yahay in uu asalka kasoo jeedo dalka BAriga Afrika dhaca ee Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli kal hore qaraxyo waa wayn ay ka dhaceen magaaladaas Brussels, kuwaas oo boolisku ku sheegeen in uu ahaa mid argiggixiso.