Kenya: “NASA ha u guurto Soomaaliya,haddii kale tallaabaa laga qaadayaa”

Mucaaridka Dalka Kenya ayaa ku hanjabay in ay diyaar u yihiin in ay Dabka qaadaan si ay xilka xoog uga wareejiyaan Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee Kenya,Uhuru Kenyatta.

David Ndii; oo ah Madaxa Istiraatiijiyadda Isbaheysiga laga guuleystay ee NASA ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay u guuri doonaan Soomaaliya islamarkaana ay halkaas ka jabhadeyn doonaan si ay meesha uga saaraan waxa uu ugu yeeray kali talisnimada cusub ee ay Kenya gashay.

Waxaa uu sheegay in haddii guddiga doorashada iyo maxkmaadda sare aysan wax ka beddelin natiijada doorashada,ay shacabka hubka qaadan doonaan islamarkaana xoog ku beddeli doonaan taliska Kenyatta.

Dowladda Kenya oo arrinkaas jawaab kulul ka bixisay ayaa ka digtay in Mucaaridka ay isku dayaan in ay dad Shacab ah oo Haween iyo Carruur ah u horseedaan geeri,waxaana dowladda ku hanjabtay in qofkii isku daya banaanbax aan ruqsad heysan Booliska u fasaxanyihiin in ay la tacaalaan.

Isbahaysiga NASA ayaa ku baaqay isu soobaxyo waaweyn oo noqonaya kuwii ugu weynaa tan iyo 1991kii,waxaana ay ku hanjabeen in ay Kenya ka saari doonaan dowladda Jubilee ee uu Kenyatta hoggaaminayo.

Eric Kiraithe; oo ah Afhayeenka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Mucaaridka ay uga digayaan in ay sameeyaan falal liddi ku ah Kenya sidoo kalena shacabka Kenya u kala qeybin kara NASA iyo Jubilee.

Eric Kiraithe,waxaa uu intaas ku daray in Mucaaridka ay u furan tahay in ay tagaan Soomaaliya,oo ay halkaas ka sheeg sheegaan wixii ay doonayaan,laakiin aysan ku dhicin in amniga Kenya ay carqaladeeyaan.