Goorme Madaxweynaha Galmudug Baarlamaanka hor geynaya Golaha Wasiirada cusub?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in Baarlamaanka Maamulkaasi uu horgeeyo Golaha Wasiiradda Cusub ee uu dhawaan Soo Magacaabay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa Warbaahinta  u sheegay in Madaxweynaha Galmudug Xaaf uu Baarlamaanka hor geyn doono Wasiiarada Cusub islamarkaana uu Baarlamaanka ka horjeedin doono Qudbad ku aadan in ay u Ansixiyaan Wasiiradda.

Xildhibaanada Galmudug ayaa ku kala Aragti duwan Ansixinta Wasiirada Cusub ee Galmudug,iyadoo Wasiirada intooda badan ay yihiin kuwii shaqeyn jiray Xilligii uu Madaxweynaha ahaa Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.