DEG DEG:- Dibad Baxayaal Careysan Oo Lug kasoo Bilaabay Afgooye Oo Qarka U Saaran In Ay Soo Galaan Magaalada Muqdisho

Warar aan  hadda ka helayno degmada Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxa ay sheegayaan in Banaan baxayaal careysan ay hadda soo dhaafeen degmadaas, kuwaas oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo liddi ku ah dawladda Soomaaliya, waxaana ay dalbanayeen in war cad laga soo saaro arrinta quseysa xasuuqii loo geystay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Garasbaalley ayeey soomarayaan, saacad kaddib ayaa la filayaa in ay xoog kusoo galaan magaalada Muqdisho, waxaana warar hoose oo aan helayno ay sheegayaan in ay isku aruursan doonaa agagaarka Km4 ilaa albaabka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanayay in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaas Masaakiinta lagu xasuuqay.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib nagala socda haddii uu rabbi qaddaro.