DEG DEG:- Beesha Habar Gidir Oo Hadda Shir Xasaasi Ah U Fadhisa Iyo Xogo Muhiim Ah Oo Laga Helayo Arrimaha Shirkaas

Odayaasha, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta beesha Habar Gidir ayaa shir muhiim ah ku qabsaday saakay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka caanka ah ee Diplomatic ee magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa looga arrinsanayay falkii ka dhacay Bariirre ee ahaa in hal goob lagu wada duqeeyo dhawr iyo toban qofood oo hal beel kasoo wada jeeda, kuwaas sida la sheegay ahaa dad rayid ah.

Ujeedka shirkan ayaa ah in ay meel kaga soo jeestaan falkii xasuuqa ahaa ee ay ciidanka Mareykan ka ugu geysteen degmada Bariirre dadka reyidka ah, sidoo kale waxa ay go’aan hor dhaca ah ku gaareen in aan la aasin maydadka, ilaa meel rasmi ah la saaro xuquuqda dadkii lagu laayay goobtaas.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Mahad Salaad ayaa goobta kasoo muuqday, shirkana wuu socdaa hadda, wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.

Sawirrada ayaan dib idinkula wadaagi doonaa haddii uu rabbi raali ka noqdo.