Cashar Ku Socda Beelaha Abgaal Iyo Shiikhaal (Sheeko Mudan In La Akhriyo)

Waxa aan aragnay sida wayn ee ay uga dhiidhiyeen siyaasiyiinta beesha Habar Gidir islamarkaana ugu midoobeen arrinta duqeyntii ka dhacday degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya.

Dhacdo middaas lamid ah waxa ay 10-maalin kahor ka dhacday tuullada Axmed Yare ee duleedka Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu xasuuqay todoba qofood oo isku reer ah, kuwaas oo aan waxba galabsan.

Ma Helin hiil iyo hool siyaasiyiinta ay kasoo jeedeen iyo ummadda, Soomaaliyeed, sidaan horey u werinayba, qoyskaas waxa ay ahaayeen beel ahaan Abgaal, halka hooyada reerkaas ay ahayd Shiikhaal Looboge.

Gebi Ahaanba ma jirin wax falcelin ah oo ay muujiyeen Harti Abgaal iyo Shiikhaashii ay kasoo jeedeen reerkaas lagu laayay tuulada Axmed Yare ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee markii todobaadkan ay diyaaradaha Dron-ka Mareykan ka ay duqeeyeen dad reyid lagu sheegay oo ku noolaa degmada Bariirre waxa isa soo tarayay doodda siyaasiyiinta iyo shacabka Beesha habar Gidir ee dadkooda looga laayay degmadaas.

Waxa ay gaartay xitaa in taliyaha ugu sareeya ciidanka mudane Cirfiid oo heyb ahaan kasoo jeeda Habar Gidir Saruur uu weerarro wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in uu ka been abuurtay falkii ka dhacay degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka aad la barbar dhigto sida aamusnaanta leh ee ay uga gaabsadeen siyaasiyiinta beelaha aan sare kusoo sheegnay waxa durba maankaaga kusoo dhacaya in aysan jirin isku dhuubnaan iyo midnimo ka dhaxeysa siyaasiyiinta iyo shacabka beelahaas, haba ugu darnaadeene beesha Abgaal oo aad u liidata marka la fiiriyo sida ay siyaasiyiintooda ula falgallaan shacabka ay matalaan.

W/Q:- Xuseen Madoobe; Agaasimaha Shaaciye.com