Arooskii Qarniga:- Fiirso Sawirro Iyo Muuqaal Aroos Kii Ugu Layaabka Badnaa Abid Adduunka Ka Dhaca, (Lammaanayaal Wakhtigooda Arooska Ku Qaatay Gunta Hoose Ee Badda)

Susana Zamos oo 49-sano jir ah iyo xaaskiisa¬†Jovany Garzon oo 45-jir ah ayaa wada go’aansaday in ay dhigtaan aroos cajiib ah oo dunida oo idil ka yaabiya.

Arooskan ayaa ahaa cid walba ay la amakaagtay, sida quruxda badan ee la isku soo duba riday, wuxuuna ahaa mid cid walba ay ka sheekeyn doonto ilaa la helayo mid isaga ka duwan oo dunida soo jiita.

Labada lamaanne oo Mexico kasoo jeeda ayaa dhigtay aroos intiisa badan ka dhacay badda Gunteeda hoose, waxaana lagu casuumay 70-qofood oo ehelka, qaraabada iyo asxaabta labada lammaane ah.

Si kastaba ha ahaatee dhawr daqiiqo ayeey kusoo qaateen badda gunteeda, waxayna ahayd wax qaas ah in la arko aroos ka dhacaya badda gunteeda hoose.

Sawirrada iyo muuqaalka laga sameeyay arooskan bal hoos ka daawo adigaa ashqaraari doonee.

 

Halkan ka daawo Muuqaalka Arooskan cajiibka ah