AKHRISO: Xildhibaano si kulul uga hadlay Shacabkii lagu xasuuqay Bariire

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Weerarkii dadka Shacabka ah lagu xasuuqay ee ka dhacay shalay degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadkii lagu xasuuqay Bariire ay dowladdu Shabaab ku tilmaamtay taasina ay tahay nasiib daro.

“Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro xukuumadda ka tirsan ay si aanmas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan ayagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Alshabaab la laayey, ayagoo sidii dad aan miyir qabin waraaqo is-burinaya iyo hadalo kala jeeda soo saaray muddo kooban gudaheed, taasoo shakki galinaysa mas’uuliyadda ay wasiiraddaasi sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadaladooda wixii hadda ka danbeeya, waqti ay dawladda maraykanku jiritaanka arintaas war ka soo saartay, joornaalada ugu waaweyn maraykankana ay qirteen in dad rayid ah la laayey” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi ayaa hadalkiisa intaasi kusii daray” Hadaba, waxaan aaminsanahay in ciddii dambigaasi ku caddaado sharciga la horkeeno, wasiirada shahaadatu zuurka iyo marin habaabinta umadda shaqada ka dhigtayna ayagana umadda laga hor-wareejiyo”

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay Weerarkii dadka Shacabka ah lagu laayay ee ka dhacay degaanka Bariire.

“Waxaa sidoo kale wax lala yaabo ah Dowlad sheegta inay hormuud ka tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, haysatana tiknoolajiyadda aduunka ugu sareysa ee wax lagu basaaso marka howlgalo nuucaan oo kale ah la fulinayo inay fuliso howlgal nuuc oo kale oo lagu laynayo dad shacab ah, iyada oo waliba horay loogu sheegay dadka ku sugan deegaankaas inay yihiin dad beeraley ah sida ay noo sheegeen saraakiisha hugaamisa Ciidamada Soomaaliya ee Gobolka Shabeelada Hoose ku sugan” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dadkii Shalay lagu dilay degaanka Bariire ay ahaayeen dad Shacab ah oo Masaakiin ah.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay si kama’ah ay u dileen dad Shacab ah, oo beeraleey ah oo aan waxba galabsan.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda ay arintaasi ay guddi u saartay ,islamarkaana ay waddaan baaritaano kala duwan .