Sawirro:-Xasan Shiikh Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Madaxdii Hore Ee Afrika

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo mbeki foundation ayaa ka furmay magaalada Johanberg ee dalka Koonfur Africa kasi oo ay ka qeybgalayaan hogaamiyaal xil ka soo qabtay Dowladaha Africa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo kaga qeybgalay  Shir weynahaasi  ayaa khudbad ka jeediayay halkaasi isagoo siweyn diiradada u saaray horumarka Somaaliya kajira, waxaana shirkaasi guud ahaan looga hadlayaa, arrimaha siyaasadda, dhaqalaah iyo horumarka bulshada kunool Qaaradda Africa.

Shirkan oo socon doona laba maalmood  ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa,Tanzania ,Tunisia,Nageria iyo kuwo kale.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii looga hortagi lahaa dhalinyarada Qaaradda Africa oo ku qulqulaysa Tahriibka, oo in badan dhibaatooyin ay kala kulmaan.