Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Gobolka Gedo?

Kooxo hubeysan ayaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxey ku dileen Degaanka Faxfaxdhuun oo qiyaas ahaan 84Km jira Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Istiin kaasi oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa dilkiisa waxaa la tilmaamay in ay ka dambeeyeen dabley ku hubeysnaa bistoolado.

Sarkaalkan ayaa ku jeeday hoygiisa markii la dilayay, sida Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda uu u sheegay Warbaahinta.

Dhinaca kale, Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Sarkaalkaasi ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan ku beegsata Saraakiil iyo Askar ka mid ah Ciidamada Dowladda ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.