FIIRSO SAWIRRO Caleemasaarka Gudoomiyaha Degmada WARSHIIQ mudane Axmed Xuseen oo loo yaqaan “Shiidka”

Caleema saarka Degmada taariikhiga ah ayaa kadhacday Degamada Warshiih iyadoo ay dhacday caleema saarka habeennimo waqti danba ah kana dhacday isla Degmada Waraheekh.

Gudoomiyaha lacaleema saarayay ayaa ahaa Gudoomiye Axmed Xuseen oo loo yaqaan “Shiidka”

Waxaa aad uxusid mudnayd in ay kaqaybgaleen Xafladda Xildhibaannada qaranka ee kasoo jeeda oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibraahim,Xildhibaan Yuusuf Kabaalle,Sidoo kale mas’uuliyiintii kasoo qaybgashay waxaa kamid ahaa Safiirkii hore ee Kenya Maxamed Cali Americo, Gudoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Hirshabelle Xildhibaan batalaale.

Qudbooyin qiira badan iyo dardaaran isugu jiray ayaa halkaa ay kasoo jeediyeen mas’uuliyiintii kaqaybgalayay munaadabadda caleema saarka Gudoomiyaha Degamada Warshiih.

Xildhinaan Caraboow ayaa kasheekeyay taariikhda ay leedahay Degmada Warshiikh isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo horumarka Degmada Waraheekh