Ciidamo Mareykan Iyo Somalia -ah oo dad Rayid ah ku Xasuuqay Gobalka Sh/Hoose

Ciidamo ka tirsan Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Federaalka ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen dhul beereed ku teetsan degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay Warbaahinta u sheegeen masuuliyiinta gobolka Shabeelllaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay halkaasi in ay ku dileen 10 Qof oo Beeraley ah, kuwaasi oo xilligaasi ku guda jiray shaqo ku aadan in ay ilaashadaan beerahooda.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay dhammaan dadka la laayay in ay ahaayeen shacab, aan waxba galabsan, waxaana dadka la laayay ay ahaayeen dhamaantood rag.

Ilaa iyo hadda lama oggaan sababta loo beegsaday beeraleyda balse Ciidamada dowladda iyo kuwo Mareykanka ah ayaa degaanka Bariire ee jiinka wabiga Shabeelle dhacay waxaa ay ka qabsadeeen Al-Shabaab.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in uu jiro weerarkan lagu dilay dadka shacabka ah, hadana ay wadaan baaritaanada rasmiga ah ee weerarkan.

Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ahna Tuulo yar oo ay degan yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u aheyd ururka Al-Shabaab.

Bishii September, ayay ahayd markii hawlgal aan laga fiirsan ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen Degaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug, iyagoo ku dilay askar ka tirsan Galmudug  sidoo kale todobaadkii aan soo dhaafay weerarkaasi la mid ah waxaa lagu dilay qoys beereley ah Tuulada Axmed Yare.