Xildhibaanada BF ee ka soo jeeda K/Galbeed oo la kulmay Abuu Mansuur

Magaalada Muqdisho xalay waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horay uga mid ahaa Shabaab, basle shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho uu ku sheegay in uu Shabaab ka baxay Shan sano iyo Todobo bilood ka hor.

Sida aynu ku heleyno wararka qaar Muqtaar Roobow oo hore ula kulmay xubno ka tirsan Xukuumadda oo wada hadalka Dowladda uu kula jiro u xilsaartay in Roobow uu codsaday waxyaabihii ay ka wada hadleen in uu la wadaago xubnaha labada Gole ee Koonfur Galbeed ku metela Baarlamaanka Soomaaliya, taasina llaga aqbalay sidaasina uu ula kulmay.

Sidoo kale xubnaha labada Gole laftigooda waxay codsadeen in ay si gaar ah ula kulmaan wadaadka, qeybna ay ka noqdaan wada hadalka Dowladda Soomaaliya ay kula jirto Sheekh Muqtaar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed xalayna la kumay Sheekh Muqtaar in ay ka hadleen waxa laga yeelayo arrinta Ciidamadiisa ku sugan degaanka Abal, qorshaha xukuumadda Roobow ay ka dooneyso iyo wax isaga uu codsanayo.

Qaar ka tirsan xildhibaanadii xalay la kulmay Roobow oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in qodobada qaar Dowladda iyo Roobow ay isku mari la’yihiin, halka qaarkoodna ay isku afgarteen.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo ilaa hada uusan dhexmarin kulan toos ah.

Qorshaha hada waxa uu yahay in wada hadalka lagu soo biiriyo xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed, si wada hadalka uu u noqdo mid guuleysta, oo mira dhala.

Waxaa la sheegay Dowladda waxyaabihii ay kala hadashay Roobow in ay qeyb ka ahaayeen in ay dooneyso maleeshiyaadka uu wato Roobow in lagu daro Ciidamada Dowladda oo la qarameeyo, balse arrintaasi uu ka biyo diiday uuna sheegay in loo madax banaaneeyo ragga uu wato.