Xiisad U Dhexeyso Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle Oo Ka Taagan Baladweyne Iyo Khilaaf Hareeyay?

Waxaa khilaaf xoogan uu xiligaani soo kala dhex galay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow iyo Xubanaha kale ee maamulka Gobolka Hiiraan.

Khilaafka ayaa salka kuhaya Kadib amar ka soo baxay Gudoomiye Cumar Aadan Deeqoow isaganoo shaqo joojin ku sameeyay dhamaan xubnaha isaga ka hooseeya oo ay ku jiraan gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Cabdi Muumin Cilmi waa Madaxa Dabagalka Ha’yadaha Samafalka Wasaarada arimaha gudaha Hirshabeelle  ugu magacaaban Hiiraan, waxaana xili uu ku sugnaa Gobolka Hiiraan uu u sheegay Warbaahinta in Xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran uu Gobolka ka bilaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow.

Dhinaca kale Madaxa Dabagalka Ha’yadaha Samafalka Wasaarada arimaha gudaha soomaaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka hiiraan in xafiiska wasaarada arimaha gudaha ee gobolka hiiraan in shaqadi ka socotay uu hor istaageen ilaalada Gudoomiyaha Gobolka hiiraan Cumar aadan Deeqoow.

Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle oo kalsoonida ay kala laabteen xildhibaanada baarlamaanka hirsahbeelle ayaa gobolka Hiiraan kaga tegay Magacaabista 7-degmo oo muran magacaabistooda uu ka dhashay.