Safiirkii Ruushka Ee Sudan Oo Isagoo Meyd Ah Laga Helay Gurigiisa

Wasaaradda  Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan ayaa xaqiijiyay in Danjirhii Ruushka u fadhiyay dalkaasi Meydkiisa laga helay Gurigiisa oo ku yaal Maagaalada Khartum ee xarunta dalka sudan.

Wasaaraddu waxay intaa raacisay  in safiirka oo 63 jir ahaa ilaa hadda la ogeyn waxa sababay geeridiisa balse ay socota baaris ay wadaan Booliska dalka Sudan gaar ahaan qeybta dembi baarista.

Dhanka kale warar ay faafisay Wakaaladda Wararka ee faransiiska ayaa lagu sheegay in Safiirka uu dhintay isagoo ku dabaalanaya Barkad ku taal gudaha Guriga uu deganaa ee Khartum,waxaana la sheegay in Meydka safiirka laga dhigay halka lagu baaro Meydadka ee magaalada Khartum.