Deg deg : Banaanbax loogu soo Horjeedo Xariga Odayaasha Jowhar Lagu xiray oo Muqdisho Ka dhacay

Waxaa Goor dhow Suuqa degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Isku soo baxyo waaweyn oo Dadku ay ku dalbanayaan in la sii daayo Odayaasha u xiran Maamulka Hirshabeelle,waxaana Banaanbaxyada qaarkood ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga suuqa oo hakad galay.

Dadka dibad baxa dhigayay’ ayaa Maamulka Hirshabeelle ha dhaco ku dhawaaqayay ‘iyaga oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Odayaasha ku xiran Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Warar ay heshay Shaaciye.com ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee ka soo Jeeda Beelaha Cabdalle Caroone Iyo Celi Cumar oo ka mid ah Beelweynta Abgaal ay ku heshiin waayeen joojinta dagaalkaasi iyo in go’doonka laga qaado wadooyin hore ugu xirmay Dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Cadalle kadibna Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha dhexe Axmed Faal amray in xabsiga la dhigo odayaashii Gogasha ka qeyb galayay.

Wixii warar ah ee ku Soo kordho warkaan Kala soco Mahaan