XOG : Beesha Xawaadle oo isku haysta” cidda noqoneysa madaxweynaha Maamulka Hirshabelle

Warar si hoose oo aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in beesha Xawaadle ay isku haystaan cidda noqon lahayd madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Siyaasiyiin badan oo beesha ah ayaa soo baxay, waxaana hoggaanka beesha oo mid ah ay ka dalbadeen in aan lagu murmin xilka ee Hal qof loo daayo.

Waxaa jira qaar kamid ah beesha in iyaga si gaar ah u rabaan in xilkaasi helaan, halka kuwa kalena sidaas oo kale yihiin.

Siyaasiyiinta beesha qaar waxay qabaan in doorashada laga wada qeybgalo, cidda baarlamaanka doortana aan muran la gelin.

Weli heshiis rasmi ah kama aanay gaarin, hase ahaatee waxaa socota waan waanta ku aadan arrintan iyo qaabka loo marayo.

Dhanka kale waxaa’ jiro  shaqsiyaad aay kala wataan Madaxweyne Farmaajo  iyo Siyaasiyin kale kuwaasi oo dhawaan shaacin doona in aay yahiin Musharaxiin u taagan qabashada Xilkaasi