Xiisad Dagaal Oo U Dhaxeysa Galmudug Iyo Ahlu Sunna Oo lasoo Sheegayo Iyo Xaaladda Oo Aad U Cakiran

Ciidan Markoodii hore ka yimid dhanka magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa xoog ku galay deegaanka caanka ah ee Mareergur ee isla gobolkaas, halkaas oo ay duleedka ka joogaan ciidanka Ahlu Sunnah ee taabacsan maamulka Axmed Shaakir ee Dhuusa Mareeb fadhigoodu yahay.

Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa halkaas, waxaana laga yaabaa in ay isku fara saaraan ciidanka gulufka ah ee Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunnah goobtaas ka ag dhaw.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in aysan xaaladda wanaagsaneyn, daqiiqad ba daqiiqadda kadambeysa ay dagaal filankaraan.

Qaar kamid ah ciidamada daacadda u ah dawladda iyo Galmudug ayaa dhawaannahan isku diyaarinayay magaalada Cadaado, balse lama fileyn in ay weerarraan maamulka Ahlu Sunnah ee kusugan aagga degmada Mareergur ee gobolka Galgaduud.

Wixii warar ah oo kusoo kordha halkaan kala soco