War Deg dega: Nabadoon Caana oo Caawa Lagu Dilay Degmada Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa caawa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen mid kamid ahaa nabadoonada sida weyn loogu yaqaanay Degmadaas.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen Nabadoon Duraan Cali Maxamed, oo sidoo kale kamid ahaa ganacsatada Degmada Afgooye waxaa dilkiisa uu dhacay xili uu kasoo baxay masaajid ku yaala Degmadaas.

Kooxihii dilka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya,mana jirto cid  ilaa haatan loosoo qabtay dilka loo geystay Nabadoon Duraan Cali Maxamed