Sarkaal Da’yar oo Al shabaab Ka Tirsanaa’ oo Ciidanka DFS Isku dhiibay Iyo Xog laga helaayo?

Sarkaal ka Tirsanaa dagaalyahanada  Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada XDS ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Ibraahin C/llaahi ayaa dhanka caafimaadka u qaabilsanaa Al- Shabaab ee ku sugan deegaannada Bari ee gobolka Galgaduud, wuxuuna si iskiis ah isugu soo dhiibay ciidamada XDS ee ka howlgala deegaanno ka tirsan degmada Maxaas.

Jeneraal Axmed Maxamed “Tareedishe” oo ka mid ah saraakiisha ciidamada XDS ayaa warbaahinta  u sheegay in Sarkaalkaan  oo 19 sano jir ah uu soo galay gacanta dowladda, kaddib markii uu si iskiis ah usugu soo dhiibay ciidamada.

Waxa uu sheegay  sheegay in uu u dulqaadan waayay tacaddiyada iyo gaboodfallada ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed wa siduu hadalka u dhigee ee ku sugan deegaannada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ilaa haatan a jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegashada dowladda Soomaliya ee ku aadan in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.