Sadax Iyo Toban Muwaadin Somalia oo Laba Bilood Gudaheed Koonfur Afrika lagu dilay” iyo war Naxdin oo laga soo sheegayo?

Allaha u Naxariistee Ibraahim Rooble Koonfurow oo kamid ahaa Ganacsatada Soomaliyeed ayaa lagu dilay galinkii dambe ee maanta Xaafadda Philipi ee Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka, ayaa waxaa  weeraray Afar Tuugo Madow South African ah, xilli uu isagoo gaarigiisa ku dhex jira taagnaa banaanka hore ee Dukaankiisa, kuwaasi oo doonayey inay dhacaan, waxaana uu si dirqi ah uga baxsaday Xabadihii hore ee lagusoo riday, iyadoo markii dambe ay hortiisa ka yimaadeen Laba kale oo rasaas badan ku dhuftay .

Allaha u Naxariistee Koofurow oo ka mid ahaa dhallinyarada ugu caansan, ee aadka looga qadariyo Magaalada Cape Town, ayaa ifka kaga tagay Xaas iyo Afar caruur ah.

Dilalka loo gaysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, oo mudooyinkan la islahaa waa ay sii yaraanayaan, ayaa soo laba kacleeyey Labadii bilood ee ugu dambeeyey haba ugu darnaatee xilliga qaboobaha, iyadoo Cape Town oo kaliya lagu dilay 13-Muwaadin 2-bil gudahood.