Ma Dhabbaa In Maanta Lasoo Afjari Doono Muran Xudduudeedka U Dhaxeeya Gobollada Hiiraan Iyo Galgaduud

Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maanta laga fadhiisan doono xalka, xadduudda u dhaxeysa gobolka Hiiraan iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

In dhawaalle ba waxaa jiray muran xudduudeed u dhaxeeya labadaas gobol ee deriska ah, wuxaana uu sheegay guddoomiye kuxigeenka in illaa xad ay isku dayi doonaa in lagu heshiiyo xudduudda labada gobol, maadaama ay deris yihiin.

Agagaarka Matabaan ayuu ku kala qaysamaa Hiiraan iyo Galgaduud, sidaa darteeda Matabaan inta badan dadka deggan waa dad deegaan ahaan kasoo jeeda dhanka Galgaduud, hasa yeeshee mar walba muranka ayaa ahaa mid soo jireen ah.

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ayaa carabka ku dhuftay in uu sidoo kale jiro muran xudduudeed u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo xudduud leh marka la eego Juqraafi ahaan.