Gudoomiye Axmed Faal oo Xabsi Guri Ka Dhigay Odoyaal Dhaqameed Beesha Abgaal U dhashay?

Maamulka Hirshabeelle  ayaa xabsi guri ka dhigay odoyaal dhaqameed kala matalaya beelihii dhawaanahaan ku dagaalamayay Tuulooyin hoos taga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Maamulka ayaa la sheegay in uu aad kaga xumaaday sida odayaasha aysan ugu qeyb qaadanin xal u helida dagaalada kusoo laab-laabtay Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa  sheegaya in masuuliyiinta Hirshabeelle inay go’aan cad ka qaateen is marin waaga ka dhex aloolsan labadda dhinac ee halkaasi lagu heshiisiinayay, Warku waxa uu intaasi ku darayaa hogaanka Hirshabeelle inuu xabsi guri ku xukumay odoyaashii nabadeynta u joogay Gobolkaasi.

Sababaha loo xeray odoyaashaasi ayaa lagu macneeyay inay ka dhalatey kadib markii labadda dhinac ay heshiis ka gaari waayeen dagaaladi ka dhex dhacay beelahooda.

Talaabadaan cusub oo uu ku dhaqaaqay maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu uga gol leeyahay culeys saar ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa dhibaatadi ka dhacday Degmada Cadale.

Shirar ku saabsan arinta soo if baxday ayay waxgaradka beelahaasi ku leeyihiin goobo ka tirsan Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa, hadal haynta ugu faraha badan ee ka jirta Magaalada jowhar ayaa ku saabsan xabsiga la galiyay odoyaashaasi.

31-kii Luulyo 2017 ayay wadahadaladaasi si rasmi ah uga furmeen Magaalada Jowhar, madashii lagu furyay wadahadaladaasi waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano matalayay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan Axmed Faal ‘ ayaa lagu eedeyay in u Odayaasha uu galshay Xabsi guri  iyadoo Gudoomiyaha lagu eedeyo’ in uusan daacad ka’ eheyn Shirkaasi dib u heshiisinta  isaga oo faraglin dadban iyo mid toosaba ku haayo.