Burcad Gaari Shacab Ah Ku Rasaaseysay Afgooye Iyo Dhacdo Xanuun Badan Oo Halkaas Ka Dhacday

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta Soomaaliya xaaladda ay kujirto waa mid “Allaw Sahal”  Ah maadaama habeen kasta dhibaato ay ka dhaceyso marka aan ka shidaal qaadano todobaadkan.

Wararka naga soo gaaraya halkaas waxa ay sheegayaan in xalay lagu  rasaaseeyay gaari ay dad shacab ah saarnaayeen oo waddada marayay.

Laba qofood ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen halka tiro intaas kabadanna ay ku dhaawacmeen rasaastaas lagu furay gaariga dadwaynaha ee marayay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa falkaas geystay kaddibna goobta ayeey ka baxsadeen, sida dad goobtaas ka ag dhawaa ay u sheegeen warbaahinta.

Waxaa loo maleynayaa in ay yihiin tuugo (Day Day) duurka kujira kuwaas oo baad iyo isbaaro ay u taallo waddadaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo horey iskugu dayday in ay ka qaaddo isbaarooyinkaas, islamarkaana la ciribtiro kooxaha falka noocaas ah geysta.