Xildhibaano Caraysan oo Farmaajo u dacwooday Iyo Amarkii Ahaa in Laga Guuro Madaxtooyadda Somalia oo Maanta Ku Eg?

Maanta oo talaado ah waxaa ku eg Amarkii Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin ka soo saaray in muddo 14 maalmood looga guuro dhismayaasha Madaxtooyada .

Amarkaas ayaa dhigayay in dadka  degan dhismayaasha Madaxtooyada oo isugu jira Wasaarado, Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, kuwaasoo degenaa Madaxtooyada 7-dii sano ee u dambeysay In ay ka guuraan.

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya xubnaha lagu amray inay Madaxtooyada ka guuraan ayaa muran ka keenay, qaarkood ayaa dalbaday  in muddo dheeraad ah la siiyo si madaxtooyadda Soomaliya kaga Guuraan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada dagan Madaxtooyada ayaa la sheegay in Madaxweynaha ay dacwad u gudbiyeen, iyagoo ku dooday in tan iyo dowladdii KMG ay degenaayeen, islamarkaana aanay jirin cid ku amartay inay guuraan.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya  Fahad Yaasiin ayaa 6-dii bishan Agosto soo saaray amar uu ku farayo dhamaan dadka degan Madaxtooyad in muddo 14 maalmood gudahood looga guuro dhismayaasha, si loo dhiso, loona bilaabo shaqada dhismayaasha qaar ee Madaxtooyada oo aan muddo wax dayactir helin.

Dhanka kale Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono Agaasimaha, iyadoo horay loo ogaa amaro uu saaray Agaasimaha inay dhaqan galeen oo ahaa xubno shaqo joojin uu ku sameeyay iyo kuwo uu banaanka Madaxtooyada ka dhigay warqad amar oo ah in aysan soo geli Karin.