Ra’iisul Wasaare Kheyrre Oo Ku Dhawaaqay Baddalka AUN Wasiir Cabaas Siraaji

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo saddex dii bilood ee lasoo dhaafay faaruq ahaa.

Saadaq C/llaahi Cabdi oo beel ahaan kasoo jeeda Hubeer ayaa la siiyay xilkaas, kaas oo baddal u noqonaya AUN Cabaas Siraaji oo uu toogtay mid kamid ah ilaalladii Hanti dhawrihii hore ee qaranka Nuur Faarax.

Haddaba Hoos Ka Akhriso warqaddii lagu magacaabay wasiirka cusub. iyo sawirrada Saadaq C/llaahi Cabdi oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qurba joog ah islamarkaana ku noolaa waxbadan heystana dhalashada dalka Mareykan ka.