Maamulka degmada Mahadaay oo beeniyay War lagu Baahiyay Warbaahinta Al shabaab ?

Guddoomiyaha Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen ( Geeldoox ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in weerar ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al Shabaab ay iska caabiyeen, kaasi oo uu tilmaamay in lagu soo qaaday fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Degmadaasi Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa beeniyay in dagaalkaasi ciidamada dowladda looga dilay 8 Askari, sida ay sheegteen Al Shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen dhankooda, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ka soo baxay maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa imaanaya, xilli Al Shabaab ay Guulo ka sheegteen dagaalkaasi, waxaana Bartooda Internet-ka ay ku shaaciyeen in ay ku dileen weerarkaasi Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.