Halkee Bay iska Shabbahaan Axmed Madoobe Iyo Atoorayaasha Hindiga (Isbar Bar Dhig Cajiib Ah)

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayeey dadka qaar u aaminsan yihiin in uu yahay hoggaamiye siyaasadda ku fashilmay oo keliya yaqaanna sida loola hadlo marasta iyo dadka maan gaabka ah.

Uma Baahnin in aan ku dheeraanno shakhsiyadda Axmed Madoobe, balse wuxuu leeyahay dabeecado sida ay sheegayaan dadka naqdiya siyaasaddiisa aad u liita oo ay kamid tahay in uu hadalka u dhaho “iska dheh” iyo in uu sameeyo hadal soo jiidasho marka la joogo goobaha madaxdu ay iskugu timaaddo.

Tusaalle wuxuu horaan u yiri madaxda isaga la jooga “Af English-ka joojiya” Waxa ay ahayd tallo fiican balse meesha uu ka yiri ma ahan meel munaasab ah, oo in madax dhan meel iskugu timid aad ula hadasho sida arday yar oo aad waxbarto waxa ay ahayd wax ay dad badan ku dhaliileen.

Sidoo kale Markii la aaday magaalada London, sannadkan, wuxuu ku amray madaxda isagoo dadka kusoo jiidanaya ama is tus tusaya in goobta laga qaado calamada maamul goboleed, sidoo kale waa talo fiican, balse markale ku timid meel aan ku wanaagsaneyn, waxa ay ahayd in uu isaga iska bilaabo kahor inta uusan dadka u boolo xoofteyn sida ay qabaan dad badan oo aan u riyaaqsaneyn qaabka hadalka iyo dhaqamada Amiirkii hore ee Kooxdii Raas Kambooni.

Todobadkan ayuu yiri markale uma baahnin beesha caalamka kaalmadeeda, haddana waa isaga ayaa kow ka ah mas’uuliyiinta u gacan hoorsada caalamka si ay u caawiyaan.

Si kastaba ha ahaatee dadka naqdiya siyaasadda Axmed Madoobe waxa ay ku tilmaamaan in uu leeyahay sifo kamid ah sifooyinka atoorayaasha ama Laadiriinta Aflaanta Hindiga oo ah Been iyo istus tus la muujiyo marka dadka la hor taagan yahay; baddalkana musuq maasuq iyo lagu dhaqmo wax is daba maris.

Sidoo kale Ciladaha gaarka ah ee uu Axmed Madoobe leeyahay waxaa kamid ah in uu keliya adduunkaba ka yaqaano reerkiisa gaar ahaan lafta hoose ee uu kasoo jeedo.