DEG DEG:- Dawladda Soomaaliya Iyo Abuu Mansuur Oo Markii Ugu Horreysay Muqdisho Ku Shiraya; Haddaba Dhanka Dawladda Yaa Matali Doona?

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ka furmi doona shir muhiim ah oo noociisa kii ugu horreeyay ah, kaas oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo wadaadka caanka ah ee Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu mansuur.

Abuu mansuur ayaa todobaad kahor isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu ka noqday aragtidiisii ahayd Shabaabnimada.

Kheyrre ayaa matali doona dhanka dawladda, waxaana ay labada dhinac kawada hadli doonaa arrimo xasaasi ah, oo ay kamid tahay qaabka uu rabo in loola dhaqmo sheekha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Alshabaab.

Warar Hoose oo aan helayno waxa ay sheegayaan in Mansuur ka gadoodsan yahay in lagu tilmaamo qof isku soo dhiibay dawladda, baddalka wuxuu jeclaan lahaa in lagu tilmaamo in uu yahay qof koox wata, loolana dhaqmo sida Ahlu Suna oo kale.

Si kastab ah ahaatee waa mid kamid ah shirarkii ugu xasaasisaan ee bishan August dalka ka dhaca, wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.