Qabiilkee Qaadan Doona Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed? Yaa Ku Dulman? Sidee Se Loo Qaybiyay Xubnaha Muhiimka Ah?

Maanta ayaa la rejeynayaa in lagu dhawaaqo guddoomiyaha dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed, waxaana aan helnay haddii aan nahay Shaaciye.com xog badan oo kusaabsan arrinkaas.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxaa qaadan doona maamulka Soomaaliland, gaar ahaan waa qof Isaaq ah, halka ku xigeenka la siin doono Galmudug, uuna yahay Habar-Gidir Sacad.

Xoghayaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxaa la siin doonaa sida warar hoose ay sheegayaan xubinta ka socota Puntland, waa Daarood Majeerteen; halka xubnaha kale ee dhallinyarada Qaranka ay ahaan doonaa xubin awood badan u leh dar dar gelinta hawlaha ururkaas ugubka ah.

Qaab qabiil ayaa lagu qaatay, oo sidoo kale wasiirrada ayaa soo magacaabi doonta guddoomiyaha, sidaan soo sheegnay ba waxaa heli doona Soomaaliland, waxaana mataleysa gabadh dhallinyaro ah, taas oo kamid ah hablaha ugu dhaq dhaqaaqa wanaagsan dhallinyarada maamulkaas ku abtirsada.

Soo xulitaanka ayaa ugu yaraan dhibaato yar ka taagan tahay, balse ugu dambeyn maanta ayaa lagu dhawaaqi doonaa, haddii ay dib u dhacdan beri ayeey ahaan doonta sida jadwalka kama dambeysta ah uu dhigayo.