8.9 C
New York
Saturday, February 27, 2021
Home WARARKA MAANTA Nin Labada Cannug Oo Uu Dhalay Ugu Magac Daray Labada Dal Oo...

Nin Labada Cannug Oo Uu Dhalay Ugu Magac Daray Labada Dal Oo Caan Ah, (Sheeko Ay Soomaalida U Baahan Tahay In Ay Cashir Ka Bartaan)

In lasoo Abyaa cadawtooyada ka dhaxeysa India iyo Pakistan,”¬† waa mid kamid ah waxyaabaha ugu waa wayn ee ay ka shaqeeyaan dadka caqliga u saaxiibka ah ee u dhashay labada dal.

Gurmeet Singh waa qof deegaanka Punjab, India, taas oo dhacda 70km meel u jirta xuduudda India iyo Pakistan, waxaana la nool xaaskiisa iyo saddex cannug oo uu dhalay.

Laba Wiil iyo Hal Gabadh ayuu adduunka ka heystaa, balse adduunka oo idil ayuu soo jiitay markii uu labadiisa wiil u bixiyay magacyada Bharat oo lagala jeedo Hindiya iyo Pakistaan.

Ujeeddada Gurmeet waxa ay ahayd in uu muujiyo in ay walaalo yihiin isla dhashay, baddalkana uu doonaya in uu sabab u noqdo in ay markale midoobaan labada dawladood ee wada dhashay ee India iyo Pakistan, kuwaas oo colaad soo jireen ah ay ka dhaxeysay waligood.

Wiilkiisa uu ugu magacdaray India ama Bharata waa 11-sano jir, halka kan kale ee uu ugu magacdaray Pakistan uu yahay 10-sano jir, taas sidoo kale waxa ay muujineysaa sida xishmadda leh ee uu u kala horeysiiyay labada dal.

¬†Dunida lakala qaybiyay oo ay Soomaaliya kamid tahay waxa ay baahi badan u qabtaa in ay helaan qof lamid ah Gurmeet kaas oo go’aansaday in uu ciyaalkiisa magac ahaan ugu mideeyo Hindiya iyo Pakistaan; uuna muujiyo in ay simman yihiin labada ummadood.