Mid Kamid Ah Magaalooyinka Ugu Caansan Adduunka Oo Laga Mamnuucay In Aad Wax Qorto Adigoo Soconaya

Mararka qaar waa dhibaato in aad laba shaqo isku qabato, adigoo socdo, in aad wax qorto ama hawl kale qabato waxa ay halis ku tahay taam ahaanshahaaga iyo sidoo kale in aad si nabad hel waddada kumarto.

Magaalada Newyork ee waddanka Mareykan, waxaa laga mamnuucay in dadka ay shaqo kale qabtaan marka ay marayaan waddooyinka waa wayn (High Ways).

85%-kiiba dadka magaaladaas ku dhaqan ayaa socda iyagoo gacmaha ku heysta agabyada ay isticmaalaan, sida Kombiyuutarrada, Mobile-da, iyo waxyaabaha lamidka ah.

35% dadkii galay shilalka sannadkii lasoo dhaafay waxa ay ahaayeen kuwa iyagoo socda isticmaalayay teleefoonadooda gacanta, taasna ay keentay in ay soo galaan waddada oo gaadiidka ay ku jiraan.

Dawladda Hoose magaalada Newyork ayaa soo rogtay amar sheegaya in aan la isticmaali karin Mobile-da iyo agabka kale marka lagu socdo waddooyinka waa wayn.

Sidoo kale digniintan waxa ay dacal ka taabaneysaa dadka gawaarida kaxeeya kuwaas oo laftigooda ku fara ciyaara waxyaabaha aan soo sheegnay kaddibna ay galaan shilal waa wayn.

Si kastaba ha ahaatee noolaha dunida saaran 80% kiiba hadda wuxuu isticmaala Teleefoon, sidoo kale waxaa dheeri ku ah 74% kiiba dadka teleefoonada isticmaala waxa ay adeegsadaan Aalladaha baraha bulshada, oo uu ugu horeeyo Facebook.