Maxaa Ka Oysiiyay Xaaska David Beckham? (sheeko Xiisa Leh)

Fashionistadda caanka ah ee Victoria Beckham oo uu qabo xiddiggii ugu caansanaa kubbadda cagta ee David Beckham ayaa barteeda Instagram-ka lawadaagtay sawir iyadoo murug iyo ilmeeynaysa.

Todobaadkan ayeey ahayd markii ay saaxiibbadeeda baraha bulshada kula wadaagtay sawirkaas oo su’aalo kala duwan dhaliyay, waxaana la iswayddiinayay waxa rasmiga ah ee kadambeeyay murugada Victoria.

Fiidnimadii Jimcaha ayeey ahayd markii loo soo sheegay in curudkeeda¬†Brooklyn oo 18-sano jir ah uu baasay darajada ”A” uu ka keenay iskuulkiisa.

Brooklyn ayaa hadda diyaar u noqonaya in uu aado Newyork si uu u bilaabo maaddada dookhiisa ah ee Sawir qaadidda (Photography), kaddib markii uu buundada ugu sareysa fasalkiisa uu kusoo baasay.

Illinta Victoria oo 43 sano jir ah waxaa lagu sheegay in ay tahay farxadda wiilkeeda guushiisa, muddo kaddib ayeey isla barteeda bulshada kusoo qortay qoraal sidan ahaa “Dhammaanteen si aad ah ayaan ugu faraxsannahay, kuguna faannaa, Brooklyn, natiijada cajiibka ah ee “A” waxa ay kuu ahayd qalin baddalasho fiican, waan ku jecelnahay, Waanna kuu xiisnay oo ku waynay! #yesiamcrying (#Ha Waan Oynaya!)

Reer Beckham ayaa hadda fasaxa xagaaga ku jira, waxaana natiijada wiilkooda ay kusoo aadeysa xilli dhawaan iskuulaadka dib loogu noqon doono.