Goorma Ayaa Lagu Dhawaaqi Doonaa Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed?

Wasiirradda dhallinyarada Soomaaliya ayaa saacadaha soo aaddan ku dhawaaqi doonta guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.

Waa ururkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay dawladda yaglesho, waxaana xubnaha ururkan uu ka koobnaan doonaa dhallinyaro laga soo xulay maamul goboleedyada.

9-qofood ayuu ka kooban yahay ururka dhallinyarada qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah, xubno ka socda Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Soomaaliland iyo beesha Shanaad lagu daray hal qof oo Naafo ah, kaas oo ay soo xulaneyso wasiirradda.

Shakhsiyaadka ugu cad cad waxaa kamid ah C/fitaax Barre oo ah xubin sare oo fir fircoon, kana mid ah dhallinyarada kasoo gashay dhanka iyo Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn lagu dhawaaqi doonaa saacadaha soo aaddan, waxaana hawsha ugu wayn ee ay qaban doonaan ay tahay dib isku habeynta iyo hormarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.