Farmaajo Oo Masar Kula Kulmay Mid Kamid Ah Madaxwaynayaashii Horey Usoo Maamulay Soomaaliya

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa booqasho kujoogay dalka Masar, waxaana uu halkaas kulamo kula qaatay mas’uuliyiin ka kala tirsan jaaliyadda Soomaalida iyo dawladda Masar.

Inta uu Qaahiro joogay Madaxwaynaha wuxuu la kulmay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan kaas oo qaab deegaan ahaan u deggan halkaas.

Labada madaxwayne ayaa qaatay kulan wada tashi iyo dardaaran ah,kaas oo ka dhacay guriga C/qaasim uu ka daggan yahay magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar.

Twitter-ka madaxwayne Farmaajo ayaa lagu xaqiijiyay in madaxwaynaha uu la kulmay dhiggiisa C/qaasim Salaad Xassan oo Soomaaliya madaxwayne kasoo noqday.

Si kastaba ha ahaatee Farmaajo wuxuu sidoo kale la kulmay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaalida ee Masar kunool, isagoona ka xaal wareeystay sida ay ula dhaqanto Qunsuliyadda Soomaalida ee Qaahir.