Farmaajo Ma Calanka Ayuu Soo Hilmaamay? Mise Soomaaliya Ma Mataleyn: (Sheeko Layaab Leh, Madaxwaynaha Oo Ku Dhacay Qalad Dastuuri Ah)

Baraha bulshada waxaa wareegaya sawirka madaxwayne Farmaajo oo la fadhiya, shirna la qaadanaya dhiggiisa Masar C/fatax Siisii, islamarkaana aanu meesha oollin calanka Soomaaliya.

Waxaa iska caado ah marka ay kulmayaan madax sidaas oo kale in mid kasta oo kamid ah calankiisa uu gadaal dhigto, balse sawirka baraha bulshada la isla wareegayay wuxuu ahaa mid Siisii uu gadaal yaalo calanka waddankiisa, dhanka kalena Farmaajo uu yahay calan la’aan gadaashiisa ay cidlo tahay.

Su’aasha iswayddiinta mudan ayaa ah ma calankaa la soo hilmaamay markii ay wafdiga madaxwaynaha soo baxayeen? Mise Farmaajo isagoon mataleyn Soomaaliya oo keliya naftiisa u socda ayuu la kulmay Siiissii?; waa su’aalaha mudan in ay Villa Soomaaliya hadda ka jawaabto, maadaama qalad qaran uu ku dhacay madaxwaynaha.

Si kastaba ha ahaatee sawirka wuu sii ahaan doonaa baraha bulshada ilaa maalmaha soo socda, maadaama mucaarad badan uu ku leeyahay halkaas.