Cosoble oo sheegay in uu haayo caddeymo Shaacana ka qaaday Shaqsiga lagu badalayo?

Madaxweynihii xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda dhexe ay wado qorshaha lagu burburinayo Maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu sheegay in uu hayo cadeymo muujinayo in dowladda dhexe ay burburineyso Maamulka Hirshabeelle.

Waxa uu xusay in ay socdaan qorshe la doonayo xilka loogu magacaabo nin ay isku reer yihiin oo dowladda ay wadato.

Cosoble ayaa sheegay in wadada xilka loogu qaaday aysan sax ahayn isla markaana ay tahay qalad.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay shaacisay in Xildhibaanada Hirshabeelle laga doonaayo muddo dhan 30 cisho in ay kuso doortaan Madaxweyne.