Sucuudiga Iyo Xulufadiisa Oo Bilaaway Qaab Cusub Oo Soomaaliya Loo Curyaamin Karo

dawladda Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay ku curyaaminayaan dawladda Soomaaliya.

qorshahan ayaa ah in si gooni gooni ah loola kulmo madaxda maamul goboleyd yada dalka ka jira si ay xiriirka ugu jaraan una beeniyaan goaankii DFS ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Dhawaan ayeey ahayd markii uu madaxwaynaha Puntland Cabdi weli gaas uu xiriirka u jaray Qatar, sidoo kale uu taageeray goaankii Sucuudiga iyo xertiisa.

si kastaba ha haatee sidoo kale imaaraadka ayaa usoo bandhigay Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu isna xiriirka u jaro Qatar, taas oo caksi ka ah goaankii Dawladda dhexe ay ka gaartay khilaafkaas.

Haddii arrinta ay sidan kusii socoto waxaa dhici karta in dawladda dhexe iyo iyaga ay xiriirka kala qaataan maadaama ay ka talinayaan dib u dhaca Soomaalida.